SAWIRO:-Maxaa looga Hadlay Shirka Golaha Amniga KG?

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta shir guddoomiyay Kulanka todobaad laha Golaha Amniga Koonfur galbeed Soomaaliya .

Shirka ayaa waxaa looga hadley xaaladda amaan ee deeganaa Koonfur Galbeed todobaadkii la soo dhaafey iyo sidii loogu diyaar garoowi lahaa sugida amaanka doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo dhawaan ka qabsoomi doona deeganada Koonfur galbeed ,

Waxaana ka soo qeyb galey wasiirka Amniga koonfur Galbeed isxaaq Cali Subag ,Taliyaha qeybta 60aad ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi Ciirow ,Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur galbeed, Saraakiil ka kala socda Daraawiishta ,Nabad Sugida ,Booliska ,iyo Amisom .