SAWIRO:-Munaasabadda Kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka KG oo bilaabatay

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Goordhow ka bilaabatay munaasabad lagu furayo kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah madax uu kamid yahay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari & wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul Goboleedyada, balse sanadkaan uu ka maqan yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay halkaasi ka jeedin doonaan khudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan xaalada dalka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Goor dhoweyd gaarey Hoolka munaasabadda waxaana uu goordhow uu khudbad ka jeedin doona Munaasabada, taas oo uu uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo xaaladaha kajira degaannada Koonfur Galbeed.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta aad loo adkeeyay, iyada oo agagaarka Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed lagu arkayaa Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo Amniga xaqiijinaya.