Billooyin kahor ayaa ugu dambeeysey in laga shaqeeyo howlaha nadaafada ee Degmada Marka balse waxaa Manta Magaalada Marka ka bilaabmay Isxilqaan lagu Nadiifinayo Goobaha qashinka qabasaday ee Magaalada,
Ururka Haweenka Degmada Marka ayaa Xafaada horseed ee Magaalada Marka waxaa ay si toos ah uga bilaabeen isxilqaanka lagu soo celinyo bilicada Magaaladaasi.
Horay waxaa masuuliyada guud Ee Nadaafada Degmada Marka ee Caasimada Gobolka Shabeelaha Hoose qaday Shirkada Hiigsi Balse
Isxilqaanka ayaa waxaa ku baaqay Maamulka Degmada oo ugu horeeyo Gudoomiye Abdulaahi (Waafoow) si loo soo celiyo bilicda Xarunta Gobalka Shabellaha Hoose.

















