SAWIRO; QM iyo Somaliya oo Xoojinaya Dadaalada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh

Wasiirka Arimaha Dibadda oo kala hadlay kuxigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya xoojinta qaababka iskaashiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxaa uu kula kulmay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Kuxigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ahna Xiriiriyaha Q.M isla markaana ah Iskuduwaha arrimaha bani’aadannimada ee Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM)Mudane Adam Abdelmoula,

Wasiir Cawad Wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa waxa uu kala hadlay xoojinta dadaallada lagu doonayo in lagu sameeyo iskaashi waxgal leh iyo taageero hey’ad si kor loogu qaado heerka gargaarka bani’aadannimo iyo barnaamijyada horumarinta.