Sawiro:-Rag Maanta Askari ku Dilay Magaalada Muqdisho Oo Lasoo Bandhigay

Ciidamada amaanka dowlada Somalia ayaa gacanta ku dhigay dabley la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-shabaab oo maanta askari ku dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Dableyda oo ka kooban labo nin oo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay askari ku sugnaa Suuqa weyn ee degmada Wadajir, iyadoo howlgal ay sameeyeen dilka ka dib ciidamada amaanka ay suuragashay in raggaasi la soo qabto.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Iyo Maaliyada Ibraahim Cumar Mahadalle Ibraahim Dheere ayaa tegay Saldhiga Degmada Wadajir oo lagu xiray laba ruux oo Maanta gudaha Degmadaas ku dilay Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Cabdiraxmaan Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in hay’addaha amniga gacanta ay kusoo dhigeen laba ruux ee Suuqaweyn ku dilay Askariga dowladda.

Guddoomiye Ibraahim dheere ayaa sheegay in Cadaalada ka horgeyn doono ragga la qabtay oo uu tilmaamay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, isagoona uga mahadceliyay soo qabashada hay’addaha amniga.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan ragga hubeysan Bastooladaha, kuwaasi oo inta badan falka kadib goobta ka baxsada.