Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la kulmay Madaxweynaha koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen).
Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashoyinka Baarlamaanka dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed
Ra”iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu Wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen Gudoomiyaha Barlamanka Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada DFS ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda ayaa kulamo wada tashi ah la qaatey Caawa Odayaasha Dhaqanka waxaana sidoo kale lafilayaa in uu la kulmo Ururada bulshada rayidka Koonfur Galbeed si uu uga dhageysto warbixinno ku saabsan nolosha deegaannada, caqabadaha jira iyo talooyinkooda ku aaddan horumarinta Dalka.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.































