Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Cali Subug ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed Oo Todobaadkan Aad Looga hadley Sidii Wax looga Qaban Lahaa Dhacdooyinkii Ayaamahan ka dhacay Magaalada Baydhabo Kooxda Nabadiidka Alshabab ay ku dooneyeen in ay ku Qal-qal Galiyaan Amaanka Magaalada .
Waxaana Saraakiisha Ciidamada Laamaha Amaanka la farey in ay joogteeyan Howlgalada lagu Xaqiijineyo Amaanka Magaalada.
Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Ayaa Bulshada ka Codsadey in ay la shaqeyaan Laamaha Amaanka Si looga hortago Falalka Amni Darada keeni kara.
Waxaana Shirka ka soo Qeyb galey Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 60aad , Booliska , Nabad Sugida, UK iyo AMISOM


















