Wasaradda gargaarka Maareynta iyo Masiiboyinka Dowlad Goboleedka KGS ayaa Maanta Baydhabo ku qabatey kulan Dood waadaag ah oo looga hadleyay Siyaabaha lagu dhaqo Barakaciyaasha Baydhabo.
Diiwaan gelin ay sameysay Wasaaradda Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Dowad Goboleedka KGS ,ayaa Lagu sheegay in Baydhabo ay ku yaalaan in ka badan 435 –Xero Qaxooti ah ,
Kulankan oo looga hadlaayay Arimaha Xalka waara iyo Siyaasadda udegsan Barakaciyaasha ayaa inta badan aad looga doodey Arrimaha siyaasada Barakacayaasha ,Ladhaqankooda ,Xuquuqda Dowlada ay ku leeyihiin.
Waxaana soo qaban qaabisey wasaradda Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS iyadoona Kulanka ay ka soo qeyb galeen Qaar ka Mid ah Barakacyaasha Baydhabo.
Cabdulkaadir Sheekh Cai Baraka Wasiir ku xigeenka Wasaradda gar gaarka Maareynta Iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka KGS ayaa Kulanka si rasmi ah usoo xirey wuxuuna sheegay in Baydhabo Barakacayaal badan ay joogaan kuwaas oo ubaahan dib udajin ,Caafimaad Waxbarasho, si xal waara loogu Helo Barakacayaasha Deegaanadan KGS .



























