SAWIRO:-Wasiiro Maanta Baydhabo lagu Dhaariyo

Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Nuur Macalin ayaa Maanta Dhaariyey Xubno Cusub oo ka mid noqoneya Golaha Wasiirada KGS oo Uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Koonfur Galbeed ,

Wasiirada Maanta la dhaariyey ayaa kala ah Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha KGS Mudane Ibraahim Aadan Cali Najah iyo Wasiirka Wasaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Cumar Axmed Aadan.

Munaasabada Dhaarinta ayaa waxaa ka soo qeyb galey Wasiiro iyo Xildhibaano ka Tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.