Wasiiru Doowlaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee XFS,mudane Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhagax dhiga dhismaha xafiisyada xarunta Wasaaradda waxbarashada doowlad Goboleedka Koonfur galbeed waxaa Goob joog ka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda waxbarashada mudane Axmed Xasan Yuusuf, madaxda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed.
Wasiiru Doowalaha Wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay in dhismaha Xafiisyada Xarunta wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed
Ay muhiim u tahay Horumarinta Waxabarashada.
“Waxaan maanta ka dhagax dhigay magaalada Baydhabo dhismaha Xafiisyada Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaan Ku faraxsanay in waxbarashadu ay hesho Xafiisyo muhiim ah oo loogu shaqeeyo Waxabarashada.




















