Xulka Kubbada Cagta Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed ayaa Maanta Si wayn loogu Soo dhoweeyay Garoonka Shaati Gaduud Airport ee Magaalada Bailydhaba Janaay.
Masuuliyiin iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa si diiran Oo ay Niyad wanaag ku dheehantahay u soo dhoweeyey Ciyaaryahanada Koonfur Galbeed Oo Sanadkan Kaalin Fiican ka gaarey Ciyaarihii isdhaxgalka Bulshada Ee Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir Uga socdey Magaalada Muqdisho,
Ku simaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Saciid Faqi ayaa Kulan la qaatey Cayaartoyda Xulka Kubadda Caqta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Maanta Baydhabo dib ugu soo laabtey.
























