Baydhabo Caasimada kumeel gaarka ah ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada Xalay waxaa ka dhacdey Xaflad si weyn loo soo Agaasimey taas oo lagu Xusayey looguna Dabbaal Dagayey Hal Sano Guuradii ka soo Wareegatey Markii La Doortey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.
Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen Wafuud kala Duwan oo Ka Socday Dowlada Faderaalka Soomaaliya Oo ugu Horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare, Madax kale oo ka Socotey Maamul Goboleedyada kale ee Dalka Madaxda Maamulada Saraakiisha Ciidanka qeybahooda kala duwan Gudoomiyaasha Gobolada iyo Degmooyinka KGS, Fanaaniinta Kooxda Onkod, Waabari iyo Marti Sharaf kale.
Xaflada Ayaa Intii ay Soctotey lagu Soo Bandhigey Khudbado kala Duwan oo looga Hadlaayey Waxqabadka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Xukumadiisa iyo waxyaabihii u qabsoomey mudadii Halka Sano ee ay jirtey oo ay jeediyeen Mas,uuliyiinta kala duwan ee ka qeybgalay Xaflada Sanad guuradan 1aad ee Markii la Doortey Hogaanka Koonfur Galbeed iyo Kooxaha Fanaaniinta kala duwan ee Onkod iyo Waabari oo iyaguna heeso kale duwan oo wadani ah iyo kuwo lagu Bgaadinayey Hogaanka Koonfur Galbeed halkaasi ku soo bandhigey,
Ugu horeyn waxaa ka hadley oo Munaasabada Daahfurey Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole oo Marti Sharafta ku soo dhoweeyey MUnaasabadda,iyo Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow oo isna halkaasi ka hadley kana warbixiyey Horumarka Gobolka Baay iyo Degmada Baydhabo iyo Deegaanada kale e e hoosyimaada Horumarka laga gaarey inta uu Xilka hayey Madaxweyne Laftagareen.
Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Mayow Tool iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Najax oo iyaguna siweyn uga hadley waxyaabaha horumarka ah ee laga gaarey Goboladaasi Gudoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Mayow Tool oo halkaasi hadal dher ka jeediyey ayaa sheegey in markii la doortey madaxweyne laftagareen booqashadiisa ugu horeysey uu ku tagey Degmada Xudur oo ay Dowlada Dhexe iyo Maamulkii hore ee Koonfur galbeed ay ka gaabiyeen,
waxaana uu sheegey madaxweyne laftagareen booqashadiisa kadib waxyaabo badan laga qabtey gobolka bakool oo ay ka midyihiin Iskuulo Cisbitaalo iyo Xaruumo iyo Dhismooyin laga hirgeliyey Degmada Xuddur isagoona dhanka kale ugu baaqey in la isku furo Wadooyinka Deegaanada Koonfur Galbeed lana Xoreeyo Deegaanada kale ee Alshabaab Gacanta ugu jira,
Gudoomiye Najax Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isna sheegey in mudadii halka Sano ee uu Xilka hayey Madaxweyne Laftagareen Shabeelaha hoose Afar jeer uu Booqdey Degmooyin ka mid ah Horumar weyn oo dhanka Amniga ugu horeeyana la gaarey iyo Degmooyinka qaar oo maamullo loo sameeyey wuxuuna sheegey in Bulshada ku dhaqan Gobolka SHabeelaha hoose ay aad ugu faraxsanyihiin waxqabadka Madaxweyne Laftagareen ayna ka rajeynayaan Horumar ka sii ballaaran midka hadda la gaaray,
Xilibaan Ibraahim yarow oo asagana ku hadlayey magaca Xilibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyada Fedaraalka Soomaaliya aya asagana u hambalyeeyey Madaxweyne Laftagareen waxaana uu ka hadley horumarka Koonfur galbeed iyo waxqabadka Madaxweyne Laftagareen isagoona sheegey in ay isku duubanyihiin Madaxda Reer Koonfur Galbeed wuxuuna halkaasi ka sheegey Hogaanka Koonfurgalbeed in uu yahay mid qalbi wanaagsan soona xushey dhallinyaro Wasiiro ah oo isku kalsoon waxaana uu sidoo kale soo hadalqaadey isku duubnida haatan ee Madaxda ugu sareeysa Dalka oo uu sheegey in Horumar lagu gaarey oo haatan soomaaliya ay horey u sii socotey lagana cafinayo Deymaha lagu leeeyahay isku duubnida lagu gaaro horumar kuna baaqey isku duubni,
Sidoo kale waxaa meesha ka hadley Xilibaan Idiris Cabdi dhaqtar oo Asagana halkaasi hadalkooban ka jeediyey una hambalyeeyey madaxweyne Laftagareen waxaana uu sheegey in aan halkan lagu soo koobi karin guulaha uu gaarey Maamulka Koonfur Galbeed,
Gudoomiye Muudeeey ku xigeenka 1aad ee BJFS oo Munaasabadaasi ka hadley ayaa Sheegey in la garab istaago maamulka koonfur Galbeed asagoona ka dhawaajiyey in Dowlada dhexe ay kula Xisaabtamayaan Balan qaadyadii ay u sameysey maamulka koonfur Galbeed asagoona sheegey in aysan wax weyn ka qaban ballanqaadyadaasi waxyar oo kooban oo kaliya ay wax ka qabatey oo uu sheegey mida ugu horeysa ay tahay ballan qaadkii Furista Wada dheer ee Xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho oo aysan waxba wali ka qaban Dowladda Dhexe,
waxaa kaloo uu sheegey in dib loogu noqanayo Awood qeybsigii Soomaaliya oo uu sheegey in lagu kala badanyahay oo Dadka qaar aysan dooneyn in laga hadlo oo ay doonayaan in si cadaalad ah lagu saleeyo iyo Awood qeybsiga Gobolka Banaadir iyo Maqaamkeeda oo uu soo hadalqaadey,
Madaxweynaha Hirshabee Madaxweyne Waarre oo Isugana Marti ku ahaa Munaasabadaasi ayaa ku tilmaamey Reer Koonfur Galbeed in ay yihiin kuwo kudayasho mudan oo Cashar uu ka bartey Nafsad ahaaantiisa wuxuuna u hambalyeey Madaxweyne Laftagareen isagoona Maamulada kale ugu baaqey in ay ku daydaan Koonfur galbeed gaar ahaan Reer galmudug oo uu baaq gaar ah u direy,
Madaxweyne Laftagareen oo Xafladiisaas kaga hadley Arimo dhowr ah oo ay kamidyihiin Arimaha Amniga Ciidanka Caddaalada,Waxbarashada ayaa sheegey in dib u habeyn lagu sameeyey Ciidanka Sarena looqaadayo Tayeyntooda,Dhanka Waxbarshada iyo Horumarada laga gaarey iyo Dardargelinta Xaruumo Cusub Dhismooyin Goobo Waxbarsho isagoona sheegey in ay jiraan Iskuulo ay gacanta kuhayaan Maamulkiisa Koonfur galbeed,
Dhanka kale Madaxweyne Laftagareen ayaa soo hadalqaadey Dad uu sheegey in ay haqirayaan Horumarka Koonfur Galbeed sida uu sheegey bannaanada la taagan been aan Sal iyo Raad laheyn oo sida uu sheegey ay kamid yihiin Siyaasiinta Xanaaqsan ee Mucaaradka ku ah Dowladda dhexe ee Fedaraalka Somaaliya oo uu sheegey in aysan soo hadal qaadin kuwaasi Xasuuqii Dadkii Shacabka ahaa ee ka soo jeedey Deegaanadan Koonfur Galbeed looguna geystey Deegaanadooda Balse uusan Carabaabin had iyo jeerna ay ku hayaan Baydhabo Xasuuq ayaa ka dhacay Doorashadii Koonfur Galbeed,
Guntii iyo Gabagabadii waxaa meesha ka hadley Gudoomiyaha Golaha Shacabka BjF Mudane Maxamed Mursal oo u hambalyeey Madaxweyne Laftagareen wuxuuna sheegey in uu la dhacay waxyaabaha Horumarka ah ee la soo bandhigey ee Waxqabadka Maamulka Koonfur Galbeed iyo Golaheeda Wasiirada Asagoona sidoo kale ugu Hambalyeeyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sanadguurada 19ka December,




















































