(Sawiro)Awdiinle Oo Meydad Alshabaab ah lagu soo bandhigey

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed oo isgarabsanayaa ayaa weerar kaga hortagay Kooxda Shabaab oo damacsanaa in ay soo weeraraan Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.

Gudoomiyaha Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay ayaa Warbaahinta Koonfur Galbeed u xaqiijiyey in weerarka ay kaga hortageen Kooxda Shabaab ay kaga dileen ilaa 5 ruux oo Kooxda Shabaab kuwa kale oo intaa ka badana ay kaga dhaawaceen.

Maamulka iyo Saraakiisha Ciidamada ayaa Gudaha magaalada kusoo bandhigey Meydadka ay uga dileen Werarka fashilmey ee ay soo qaadeen, waxaana sidoo kale ay sheegey inay jiraan tiro kale oo dhimasho ah oo ay la carareen.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa dhowr jeer weeraro fashilmey kusoo qaadey Deegaanka Awdiinle iyo Deegaano kale oo ka tirsan Maamulka Konfur Galbed lkn ay kala kulmeen iska caabin xoogan.