Gudoomiyha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo iyo Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya , Taliyaha Qeybta Booliska KGS Genaraal Mahad Cabdiraxmaan iyo xubno kale ayaa maanta gaarey Deegaanka Awdiinle.
Waxaana Mas’uuliyiintan maanta gaarey halkaasi xariga ka jareen dhowr Mashaariic oo laga hirgaliyey Deegaanka Awdiinle ,Mashaariicdaaso isugu jirta dayactirka Iskuulka Dugsiga Hoose Dhaxe iyo Leerarka ku shaqeeya Cadceeda.
Sidoo kale Xafladaasi Daahfurka ee Xarig jarida mashaariicda ayaa waxaa ka soo qeyb galey Maamulka Deegaanka Awdiinle iyo Bulshada Deegaanka qeybaheeda kala duwan.
Sida Gudoomiyaha Deegaanka Awdiinle Cali dhukow iyo Gudoomie ku xigeenkiisa odayaal haween dhallinyaro arday
Waxaana ay uga mahadceliyeen maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan wasaarada waxbarashada iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin oo Gacan weyn ka geystey adeegyadan maanta laga hirgeliyey Awldiinle.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Boooiska Koonfur Galbeed Genaraal Mahad Cabdiraxmaan oo halkaasi ka hadley ayaa Maamulka Deegaanka Awdiinle iyo Shacabkaba ugu baaqey in ay ilaashadaan mashruucyada maanta loo xarig jarey oo ay si wanaagsan uga faaideystaan.

























