Munaasabad si weyn loo soo agaasimey oo lagu taagyareyay Go’aankii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS Mudane Abdiasiis Xasan Mohamed Lafta-gareen oo ahaa In tirada Xildhibadanada Baarlamanka KGs La waafajiyo Sida Dastuurka KGS uu qabo oo ah 95 Mudane
Munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galey Gudomiyaha Degmada Diinsor Mudane Abdisalan Xaaji siidow,taliyaha Ciidanka Itoobiya Ee Degmada diinsor Iyo Saraakiisha Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Odayaasha dhaqanka.
Waxana Dhamaantooda si weyn usoo dhaweyeen Go’aanka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Kgs in tirada Xildhibada Kgs Laga dhigo 95 Mudane.
Dhanka kale Bulshada Iyo Maamulka Degmada Diinsor ayaa amaaney Waxqabadaka Xukuumada Iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGs.
Geba gabadii Munaasada ayaa waxaa ka hadley Gudomiyaha Degmada Diinsor Mudane Abdisalan Xaaji Siidow ayaa Bulshada Degmada ugu baaqey in ay la shaqeyaan Dowladooda





















