Dadweyne Dhallinyaro u badan oo aad iyo aad u tira badan islamarkaana ku labisan dhar ku sawiran musharax Mukhtaar Roobow , Calanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ku aadan taageerada Mukhtaar Roobow, iyo Sawiradiisa oo loogu baaqayey in uu isa soo sharaxo ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Dhalinyaro iyo Odayaal oo Khubado kala duwan halkaasi ka jeediyey Hoolka Munasabada ka socotey waxaana ay codsi ay u direen oo ay ugu baaqeen in uu isa soo taago oo uu isu soo sharaxo Xilka Madaxweyne nimo ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Munaasabadan Codsiga loogu direy Sheeq Muqtaar Roobow in uu is Sharaxo ayaa hadaladii meesha ay ka jeedinayeen ayaa sidaas oo kale loogu baaqey Xildhibaanada Koonfur Galbeed in ay Codkooda siiyaan Sheekh Mukhtaar Roobow




















