(SAWIRO)Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska KGS Oo Maanta Xariga laga Jaray

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaack Ali Subag ayaa maanta si rasmi ah Xariga uga jarey Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya oo laga dhisey magaalada Baydhabo.

Xarig jarka waxaa Wasiirka ku wehliyey Afhayeenka Wasaaradda Amniga Mustaf Garabey, Taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Aamin Mad Daruur, Taliyaha Saldhiga degmada Baydhabo Muqtaar Dugudow iyo Taliyaha dugsiga Tababarada Ciidamda Booliiska KGS Maxamed nuur Maxamed.

Dugsiga Tababarka Ciidamada Booliiska Koonfur Galbeed Soomaaliya ee laga dhisey magaalada Baydhabo Maantana Xariga laga jaray ayaa waxaa uu qeyb ka qaadandoona Tababarada Ciidanka Booliska kuwii hore iyo kuwa cusub ee lagu tababarayo Deegaanada Koonfur Galbeed.