Gudoomiyaha maamulka Degmada baydhabo mudane Xasan Macalin Ahmed Biikole iyo Gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada Degmada baydhabo mudane isack maxamed Ali taygaab ayaa maanta kormeer kusameeyeen 4wado oo halbowle u ah Bulshada ku dhaqan magaalada baydhabo.
Ujeedka kormeerka maamulka degmada baydhabo ayaa ahaa sidii loola socon lahaa halka ay marayaan dib-udhiska wadooyinka degmada baydhabo.
Magaalada Baydhabo Waxaa Si Qurux badan Loodhisayaa Qaar Kamid ah Wadooyinka Halbowlaha U ah Magaalada , Maamulka Degmada Baydhabo Oo Kaashanaya Shacabka ayaana Hawshaasi Fulinaya.

























