Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaaladda mudane Xasan macalin Axmed Biikole Ayaa maanta Xariga Ka jarey Dhismaha Cusub Ee Kawaan Weynaha Magaaladda Baydhabo Halkaas Oo markii Hore Burbur Xoogan uu Ka Muuqadey waxaana Dhismahan Cusub iska Kaashadey Maamulka Dowladaha Hoose ee Degmada baydhabo iyo Hay’adda NRC.
Xarig jarkan Ayaa waxaa ku Wehliyey Gudomiyaha Maamulka Degmada baydhabo Labadiisa ku Xigeen Amniga Iyo Siyaasada Ku Xigeenka Maamulka iyo maaliyada Degmada Iyo madaxda Heyada Mashruuca fulisey ee Hay,adda NRC,
Xarig jarka kadib Waxaa warbaahinta Uga horeyntii la hadley Maxamed Aadan Madaxa Xafiiska NRC ee Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaana uu Sharaxay Deyactirka ay ku Sameeyeen Suuqan Kawaankiisa oo si wanaagsan loo dayactirey,
Gudoomiyaha Maamulka Degmada baydhabo Ahna Duqa Magaalada Mudane Xasan Macalin Axmed Biikole oo Dhankiisa Ka hadley ayaa Sharaxat Muhiimada Bulshada ku nool Magaalada Baydhabo Uleeyahay Suuqan Asagoona Ammaan iyo Bogaadin u jeediyey Hay,adda Mashruucan Fulisey Ee NRC.
Gudoomiyaha Degmada baydhabo ayaa waxaa sidoo kale Kormeerey Qeybaha Kala Duwan ee Suuqa Magaalada Baydhabo Mudooyinkii uga Dambeyey Maamulka Dowladaha hoose ee Degmada baydhabo ayaa wadey Dadaalo lagu Horumarinayo Bilicda Degmada Baydhabo Janaay.





































