SAWIRO;Gudoomiyaha Gobolka Baay oo gaarey Degmada Berdaale

Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Dooyow iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaarey Degmada Berdaale ee Gobolkan Baay waxaana Garoonka Diyaaradaha Degmadaasi ku soo dhaweeyey Maamulka Degmada Berdaale oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Berdaale Maxamed Isxaaq Caracase iyo Xubno katirsan Golaha Deegaanka Berdaale,

Safarka Gudoomiyaha Gobolka Baay ee Degmadaasi Berdaale ayaa lagu sheegey in aytahay Dayactirka Xaruumo lagu Dayactirayo qaarkoodna lagu Horumarinayo Adeegyada Shacabka Berdaale Bayeed Waxaana Gudoomiyaha la socda Injineero loogu talagalay inay dhisaan Xarumaha danta guud oo ay uga horeeyso Garooka Degmada Cisbitaalo iyo waliba qaabka loo dhisi doono Magaaalada Naqshadeynteeda oo ay gacan ka geysan doonaan sida uu sheegey Mamullka Degmada Berdaale.