SAWIRO”Iskaashada Beeraleyda KG Oo Baydahbo Tababar loogu soo Xirey

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyey Tababar mudo laba maalin ah usocdey iskaashatada Beeraleyda KGS gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmada Baydhabo,

waxaana Tababarkaasi soo qabanqaabiyey Hay,adaha kala ah Seefko iyo USIAD ‘waxaana Sidoo kale tababarka gacan weyn kageysatey Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlad Goboleedka KG iyo Hay adda Geel,

Mudadii Labada maalmood ee uu socdey tababarkani waxaa siyaabo kala duwan uga faaideystey iskaashatada Beeraleyda ah ee ku nool Baydhabo waxaana labaray inta uu socdey Tababarka habka looga hortago Cayayaanka ama Ayaxa oo inta badan baabi,iya Dalagyada ka baxa Beeraha

Xiritaanka Tababarka waxaa loo qeybiyey kafaaideystayaasha Agabka lagaga Hortago Cayayaanka ama Ayaxa kuwaasi oo isugu jirey Haamamka Sunta lagu shubto iyo Dharka lagu labisto Xiliga lagu guda jiro Shaqada Buufinta Beerta iyo Agab kale,

Gabagabadii xiritaanka munaasabada waxaa kaqeybgaley Macalimiintii mudada labada maalmood aheyd tababarka siinayey kafaaideystayaasha iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha iy waraabka Dowlad Goboleedka KG

Ugu horeyn munaasabada xiritaanka Tabarka waxaa ka hadley Yuusuf Xasan oo kamid ah macalimiinta Tabarkani bixinayey waxaana uu sheegey in ay muhiim tahay in marweliba labalaariyo Tababarada noocaan ah oo looga faaideynayo iskaashatada beeraleyda ah ee kudhaqan kgs waxaana uu kufaaney in ay si wanaagsan wax u fahansiiyeen kafaaideystayaasha mudadii uu tawabarka socdey

dhanka kale waxaa ayagana ka Mahadceliyey Dadkii kafaaideystey Tababarkani waxaana ay sheegeen dhankooda in waxbadan kafaaideen Casharadii ay soo qaateen mudadii Labada maalmood uu Tababarka socdey,

Gebagabadii waxaa munaasabada xiritaanka ka hadley Agaasimaha guud ee Wasaarad Beeraha iyo waraabka Dowlad Goboleedka KGS Mudane Cabdulaahi Xasan Iidow waxaana uu kula dardaaramey Dadkii kafaaideystey Tababarkani in ay isticmaalaan agabkii loo qeybiyey oo lagaga hortagayo Cayayaanka ama Ayaxa.