Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Xasan Macalin Axmed [Biikoole] Ayaa Maanta Qalab Dhisme oo loogu talagalay Sahminta Iyo Dhisida Waddooyinka Degmada Baydhabo kala Wareegay Hay,ada Caalamiga ah ee NRC oo Kaashanaysa Hayada UNHCR.
Waxaana Si toos ah loogu wareejiyay Dowlada Hoose ee Degmada baydhabo Mashruuc Loogu Magacdaray Nabada Dhulka .
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Degmada Baydhabo Ayaa Ka Mahadceliyay Qalabkan Lagu wareejiyay wuxuuna Baaq udirey Dhammaan Hay,adaha kale ee Ka Howlgala Degmada Baydhabo Baaqaas oo ah in ay kala shaqeeyaan Howlaha Hada Maamulka uu wado Sidoo Kalena ay keenaan Mashruucyo waxtar u leh Bulshada Magaalada Baydhabo.




















