Gudoomiyaha Maamulka Degmada Waajid Mohamed Mo’alinYuusuf Ayaa Maanta Kormeeray Qaar kamid ah Xaruumaha Caafimadka Degmada Iyo Sidoo Kale Xaruumaha Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmada Waajid ayadoo u kuurgalayo Baahiyaha caafimaad ee iminka ka jira Degmada .
Waxaana ku wahelinayay Booqashadiisa Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad ee Maamulka Dr Mukhtaar Ahmed Hassan Awdheere iyo Xildhibaan Gardhuub .
Masuliyiinta ayaa Xogwaraysi ku Aadan Xaalada Caafimadka ka waraystay shaqaalaha Caafimadka ayadoo ay Sheegay inay caqabo Wayn Haysata Degaanka Taasi oo la xariirta Xirnaanshaha Wadooyinka ee dhibaato ku ah bukaanada iyo Hooyinka Dhalaanka ah.




























