Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa soo gaarey Magaalalada Baydhabo ee Xarunta KMG Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya,
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo ku soo Dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele,
Ujeedka Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ah ka qeyb galka shir weyn beri ka furmaya Magaalada Beydhabo oo looga hadlaayo arrimo ay ka mid yihiin fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo horumarinta Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabelle.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa isla Caawa Magaaladatan Baydhabo ka bilaabi doonaan kulamo uu la yeelanayo Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada baydhabo.
























