Madaxweyne Cabdiasiis Xassan Maxamed Lafta’gareen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Safar Shaqo Ku gaarey Maanta Magalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.
Madaxweynaha Waxaa Garoonka Caalamiga Ah Ee Aaden Cadde International Airport Ku soo Dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano Ka Tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya Iyo Wasiiro katirsan Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed
Madaxweyne Laftagareen ayaa lafilayaa inta uu ku suganyahay Caasimada Dalka ee Muqdisho in uu kulamo kala duwan laqaato Madaxda Dalka iyo Dalalka iyo Hay’adaha daneeya Arimaha Koonfur Galbeed.

















