Ku Dhawaad Saddex Diyaaradood Oo Siday Buugaaagta Manaahijta Waxbarashada Dalka oo Dhawaan uu Daahfurey Madaxwaynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Maanta La soo Gaarsiiyay Magaalada Baydhabo Waxaana Buugaagtaasi Lagu Wareejiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ballanqaadkii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ahaa in La Helo Waxbarasho lacag La’aan ah Si kor looga qaado Aqoonta Bulshada ku Dhaqan Deegaanada Koonfur Galbeed waxaana Maanta lagu Guuleystay in Magaalada tan Baydhabo laSoo Gaarsiiyo Buugaagta Manhajka Waxbarashada Dalka,
Sidokale Buugaagtan ayaa Lagaarsiin doonaa Shanta Degmo ee Gobolka Baay Iyo Sidoo Kale Gobalada Shabeelaha Hoose iyo Bakool oo iyaguna Lagaarsiin doono Buugaagta Manaahijta Waxbarashada Dalka.
























