(Sawiro)Odayaal kulan ku yeeshay Baydhabo oo eedayay xildhibaan Afaraale

Odayaal, waxgarad iyo dhalinyaro ka soo jeeda Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo kulan ku yeesha Magaalada Baydhabo ayaa ka cabanaya dhibaatoyin ay sheegen in ay ku hayaan Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbed oo kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaliya.

Cabashadaan ayaa ah mid timid kadib markii Magaalada Muqdisho lagu xiray sarkaal katirsan ciidanka Nabad Sugidda Qaranka oo lagu magacaabo Yacquub Ibraahim Liibaan oo aan wali helin cadaalad ku aadan Eedda loo haysto .

Waxgaradkan ayaa sheegay in sarkaalka uu san u xirnayn qalad uu kagalay Dowlada, Balse u xiranyahay xildhibaano uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo sarkaalka ay isku Beelyihiin kaasoo ay odoyaashan sheegeen in uu marki horeba ka dambeeyey haddana doonaya in sarkaalkan isagoo xukun la’aan ah lagu haayo xabsiga.

Ugu dambeentii waxgaradka ayaa Dowladda fedaraalka iyo Beesha Caalamka kadalbaday in cadaalada la horkeeno sarkaalka hadii uu Dambi galay ama xuriyaddiisa dib loo siiyo.