Magalada Muqdisho waxaa kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug & Hir-Shabeelle.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal,arrimaha doorashooyinka dalka, la dagaallanka argagixisada Alshabaab iyo arimaha bani’aadminimada.
Kulanka ayaa waxa dib uga soo biiray Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle
Kulanka oo uu ku wehlinayay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb, Donald Yamamota ayaa waxaa looga hadlay dardargalinta hanaanka Doorashooyinka Dalka ee dhawaan lagu heshiiyay.
Sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay Arrimaha Amniga iyo saameeynta la dhalatay Fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka geystay degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.
Warraka kulanka laga helay ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye laga dalbaday in uu soo dhameystiro Xubnaha Guddiga doorashooyinka maadaama maamulada kale ay soo Magacaabeen.





















