Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa uga qeyb galaya Shirka 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD kaasoo diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Suudaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta gaarey Magaalada Addis ababa isla markaana si weyn loogu soo dhaweeyey asagoona haatan ka qeyb galaya Shirka Midowga Afrika ee Addis Ababa kaas pp ah Shirkii 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.





















