Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaarada Haweenka Dowlad Goboleedka KGS Ayaa Deeq Dawo ah Kagudoomey Taliska AMISOM Qeybta Sector 3 Taasi oo loogu Talagalay in lagu Daweeyo Haweenka iyo Caruurta Aan Haysan Daryeelka iyo Barakacaaysha ku Jira Kaamamka Magaalada,
Xubno Wasiiro ah ayaa Kulan Muhiim ah waxaa ay Saacado la qaateen oo ay la yeesheen Taliyaha Ciidanka Amison Sector 3 General Alemu Iyo Sarakiisha Caafimaadka ee ka socda Dowlada itoobiya.
waxaana Munaasabadaasi Wayn oo deeqda dawooyinka lagu wareejiyay Ay Kadhacdey Xaruunta AMISOM Ee Magaalada Baydhowa.
Wasiirka Caafimaadka Dowlad Goboleedka KGS Mudane Mohamed Osman Haji Jiidow iyo Wasiirada Haweenka KGS Faisa Shariif ayaa Ka mahad celiyey Deeqdan ay ka heleen Sector 3 Amisom.


































