Wafdi uu hogaaminaayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Maanta soo gaarey Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay ee Caasimada kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,
Waxaa Taliyaha Garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweyay Taliyaha Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka jenaraal Mohamed Sheekh Abdullahi iyo Saraakiil ka tirsan ciidanka Xooga dalka .
Ujeedada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Baydhabo usoo gaarey ayaa waxa ay tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Munaasabad ay ku qalin jabineyaan Ciidamo ka tirsan Xooga Dalka Soomaaliyeed oo Maalinta Barita ah lagu qaban doono Magaalada Baydhabo
















