(SAWIRO)Wafdi horudhac u ah Madaxweyne Laftagareen oo Degmada Waajid gaaray.

Wafdi horudhac u ah madaxweyne Laftagareen oo Waajid soo gaaray.
Wefdi horudhac u ah madaxweynaha dowlada Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta soo gaaray degmada Waajid.

Wefdiga ayaa waxaa hirkacayay wasiirka duulista iyo gaadiidka Koonfur Galbeed mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay)
Sidoo kale waxaa wefdiga qayb kale ahaa ilaalada gaarka ah ee madaxweyne Laftagareen.

Wefdigaan ayaa waxaa Waajid kusoo dhoweeyay gusoomiyaha degmada Maxamed Yariisow iyo dadweyne badan.
Madaxweyne Laftagareen ayaa waxa uu horay booqasho ugu tagay degmada Waajid ayada oo ay booqashadatanina noqoneyso tii labaad