Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka KGS Mudane maxamed Cusmaan Jiidow o ay weheliyaan wakiilo ka socday Hay-ada ACF ayaa waxaa si wadajir ah ay u kormeereen Cispitaalka bayhaaw oo ah Cispitaalka 2 aad ee Magaalada Baydhabo.
Ujeedada kormeerka Masuuliyiinta ayaa ahaa ogashiyaha bahiyaha ka jira Cisbitaalka si Wasaaraddu iyo Hay-ada ACF ay iskaga kaashadaan sidii wax looga qaban lahaa wax kasta oo xiligan cispitaalka u baahanyahay
Qeybaha Cisbitaalka uu ka koobanyahay ayaa si wadajir ah ay ukormeereen iyaga oona warbixino ka dhageystey maamulka Cispitaalka Iyo Dhakhaatiirta.
Wasaaradda Caafimaadka Iyo Hay-ada ACF ayaa balanqaadey in Cispitaalka labalaarin doono si bukaanada tirada badan ee yimaada maalin kasta ay u heli lahaayeen adeegyo ay ku qancikaraan
Cispitaalka Baayhaaw ayaa ah midka labaad ee ugu weyn Koonfur Galbeed waxaana gacanta ku haysa Wasaarada Caafimaadka .waxaana loogu adeega bukaano badan oo kakala imaada Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Cusmaan Jiidow . Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cusmaan Cabdi Muuse. Agaasimaha Guud Dr Xuseen Maxamed Daahir iyo Iyo Qaar kamid ah Agaasime waxedyada Wasaaradda Ayaa Maanta Xafiiska Wasaaradda Caafimaadka kulan kula qaatey Masuuliyiin ka socdey Hay-ada ACF.
Masuuliyiinta labada dhinac ayaa kawada hadley Xoojinta xariirka wada shaqeeneed ee udhaxeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Hay-ada ACF.
Waxaa sidookale ay kawada hadleen tayenta iyo kor uqaadista adeegyada ay bixiyaan Xaruumaha Caafimaad ee ay maamusho Wasaaradda ee kuyaala Degmooyinka Gobalada koonfur Galbeed.
Masuuliyiinta ka socdey Hay-ada ACF ayaa dhankooda balan qaadey in Wasaaradu ay kala shaqeyn doonaan sidii loo hormarin lahaa adeegyada Caafimaadka ee ay bixiso Wasaaradda si bulshada ku nool Koonfur Galbeed ay u helaan adeegyo Hufan oo dhanka Caafimaadka ah


































