SAWIRO;Wasiirka Waxbarashada KG daahfurey bandhiga Buugaagta Baydhabo

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Abduraxmaan Usmaan Malak ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ka daahfurey bandhiga Buugaagta Baydhabo oo lagu soo bandhigey Buugaag kala duwan.

Waxaana furitanka barnamishkan Bandhiga Buugaagta ka kaso qeyb galey Wasiiro , xilibano , Senetaro,Mamulka Degmada iyo Golaha Aqoonyahanada Koonfur Galbeed Macalimiin Arday iyo Bulshada Noocyadeeda kala duwan,

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DGKS ayaa Dhiirigaliyay Bahda Soo Abaabushay Barnaamijkan Bandhiga Buugaagta Waxaana uu Baaq u Diray Shirkadaha iyo Bulshada inteeda kale inay Garab Istaagan Bandhigyada noocaan oo kale ah.