Bulshada ku nool Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey Wasiiradda koonfur galbeed ee Maalmahan howlo Shaqo u joogey halkaasi oo ugu horeeyo Wasiirka wasaaradda Arimaha gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka koonfur Galbeed mudane Mohamed Abukar Cabdi Wasiirka Qorsheynta,Wasiirka Cadaalada iyo garsoorka,
Sidoo kale shacabka Degmada Diinsoor ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha Dowalad Goboleedka koonfur galbeed Mudane Cabdiasiis Xassan Mohamed Lafta-gareen iyo Wasiirka Wasaaradda arimaha Gudaha koonfur galbeed oo ay sheegeen inay u soo xuleen guddoomiye ayna la shaqeyn doonaan.































