[SAWIRO]Wufuud kala duwan oo soo gaaraya Magaalada Baydhabo

Wafdi uu hogaaminayo guddomiyaha golaha shacabka oo isugu jira Xildhibaano labada Aqal iyo wasiiro ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

waxaana Garoonka diyaaradaha Shaati gaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka oo saaka soo gaaray Magaalada Baydhabo.

waxaana ka soo horeeyey Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabdiwali Ibraahim Sh, Muuddeey iyo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo oo isna Maanta soo Gaaray Magaalada Baydhabo.

waxaa kaloo kamid ah wufuuda maanta soo gaarey magaalada baydhabo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Madaxweyne Waare

Wafuudan ka duwan ee maanta soo gaarey baydhabo ayaa ka qeyb galaya xuska Sanad guurada 1-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane; Cabdi casiis Maxamed Xassan (Lafta gareen).

Xuska munaasabaddan oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 19ka Desembar ayaa lagu wadaa in ay sidoo kale ka qeyb galaan madax kale oo ka kala iman doonto maamul Goboleedyada iyo Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana laga dareemayaa u diyaar garoowga munaasada u dabaal-degida Sanadguurada koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.