Xaflad aad u qurux badan oo looga hadlayay waxqabadkii Afarta Bilood ee lasoo dhaafay ee Taliya Ciidanka Asluubta Booliska Soomaaliyeed Gen,#Mahad_Cabdiraxmaan_Aadan ayaa lagu qabtey magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka,
Waxaana xafladdaasi ka Qayb Galay wasiirka wasaaradda Cadaaladda Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida Xildhibaano Labadda Gole ah Aqal sare
iyo Aqalka Hoose, Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Sareeyasha sarakisha iyo sarkaal xigeenada C.A.S Bahda Saxaafada iyo Marti sharaf kale,
Xafladan sida weyn loo soo agaasimey oo looga hadley waxyaabaha u qabsoomey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ay isugu jirtey mid lagu Amaanayey waxqabadkiisa iyo dhiiri gelin,
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Genaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga mahad celiyey dhamaan inta ka Qayb Qadatay Xaflada Adka u quruxda badaneyd iyo cida Agaasinkeeda laheyd.



















