Cabdiraxmaan Aar waa wiilkii Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland dhexdeeda ku labistay Calanka Soomaaliya ee boolisku Soomaaliland lagu eedeeyey in ay Jirdileen ee Xabsigana u taxaabeen ayaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Villa Somaliya Waxaa ku qaabiley Madaxweyne Farmaajo.
Galabta ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kulan dhiirri gelin ah u fidiyey Cabdirixmaan Maxamed Cali (Aar) oo Xambaarsan farrin Midnimo iyo Wadaniyadeed, wuxuuna ku maamuusay Guddoonsiinta Astaanta Qarankeena Soomaaliya.

















