SAWIRRO: Xarun lagu dhaqan celiyo Dhalinyarada ka baxda Al-Shabaab oo laga furay Dhuusamareeb

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb ka furay xarun loogu tala galay in lagu dhaqan celiyo dagaalyahanada kasoo goosta Al-Shabaab.

Xaruntaan ayaa hirgelinteeda waxaa iska kaashaaday dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo Agaasimaha Waaxda Dhaqan celinta Maleeshiyaadka u qaabilsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si wada jir ah u daah furay Xaruntaan.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa sheegay xaruntaan ay muhiim u tahay Galmudug, islamarkaana ay kordheen dhalinyarada isaga baxeysa Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay in aanan horay u jirin Xarumo lagu hayo Dhalinyarada isaga tagta Al-Shabaab ee soo jeeda Degaanada Maamulkaasi.