Madaxweynaha Dowlad goboleedka koofur galbeed Soomaaliya mudana C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa Maanta shir guddoomiyay kulankii Todobaad laha alaa ee golaha Wasiirrada ee maamulka .
Kulanka ayaa looga hadlay arimaha ay ka mid yihiin ammaanka dhaqaalaha siyaasada iyo qodobbo kale
Intuu socday kulanka waxaa warbixinno looga dhagaystay qaar ka mid ah golaha Wasiirrada waxanay sheegeen in ay howluhu u socdaan sidii loogu tala galay.
Shirka ayaa sido kale waxaa looga hadlay Xoojinta wada shaqaynta Wasaaradaha maamulkaasi iyo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha, si wax loogu qabto Shacabka ku dhaqan koofur galbeed.Soomaaliya .
Golaha ayaa sido kale Shacabka ugu baaqay in ay isku howlaan sidii wada shaqayn dhow ay ula yeelan lahayeen laamaha amniga, si looga hortago dhibaatoyinka .


















