(SAWIRRO)MW :Shariif Xasan oo Dalka dib ugu soo laabtey isla markaana booqdey Dhaawacyada Cisbitaalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Baydhabo,iyadoo si heer sare ah loogu soo dhoweeye garoonka diyaaradaha ee Shaati, soo dhoweyn kadib wuxuu Madaxweyne Shariif Xasan ku booqdey isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo dhaawacyadii kujirey isbitaalka oo ay maalintii shaley ku dhaawacmeen falkii fuleynimada ahaa ee ay geesteen kooxda argagaxisada Al-Shabaab

Madaxweyne  Shariif Xasan ayaa tacasi u direy dhamaan shacabkii lagu halaagey qaraxii wuxuushnimada ahaa, sidoo kale wuxuu madaxweynaha Alle uga baryey in uu Alle samir iyo iimaan ka siiyo ehelladii iyo qaraabadii dadkii shaley qaraxyada lagu laayey.