Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kormeerkii ugu dambeeyay ku sameeyay Xarumaha cusub ee Maaliyadda dalka oo dhawaan Xarigga laga jaridoono.
Xaramuha uu maanta kormeeray waxaa ka mid ah, Xarunta Hogaanka ilaalada Cashuuraha Barriga, dhismaha 2aad ee W.Maaliyadda, Machadka barashada culuumta Maaliyadda iyo qaar ka mid ah xarumaha Cashuuraha ee Dagmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaana Uu u mahadceliyey Bangiga Aduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo ka qeyb qaatay dib-u-dhiska Xarumahaan.
Taageerada Hey’adaha Maaliyadda caalamka ee Soomaaliya waxa ay muujinaysaa Aaminaada ay ku qabaan hanaanka iyo Maamulka Maaliyadda dalkeena.
























