Baydhabo Maanta Waxaa Soo Gaarey Wafdi Uu Hogaaminayo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Somalia Mudane CabdiCasiis_Xasan_Maxamed (Lafta Gareen)
Waxaana ka mid ahaa Wasiir Ku Xigeenka Caafimaadka Xukumada Soomaaliya iyo Xildhibano katirsan Barlamanka Waxa Ay Daawooyin Gaarsiiyeen Mudanayasha Soo Gaarey Baydhabo Cisbitalka Guud Ee Gobolka Bay….Bukaanada Ayeyna mid mid u Booqdeen oo Ay u Qeybiyeen Lacago Kaash Ah
Wafdigan ayaa ku Laabtey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Saacado Ayeyna joogeen baydhabo.
Waxaana Ay sii Qaadeen 8 Kamid ah Dhaawacyadii ku Waxyeeloobey Qaraxyadii Shalay ka dhacay Baydhabo Kuwaas Oo Baydhaba Wax Looga Qaban Waayey


















