Gobolka Shabeellaha Dhexe wararka aan saaka ka heleyno ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka gaysteen deegaan hoostaga degmada Warsheekh ee gobolkaasi, iyaga oo halkaas ku laayey dad isku qoys ah.
Dhacadadan oo salka ku hayso aano qabiil ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Ceelow, waxaana weerarkaasi lagu dilay saddex qof oo isku qoys ahaa.
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray laba wiil oo walaalo ahaa iyo maamo kamid ahayd dadka deegaanka, kadib markii haleeshay rasaas goobta ka dhacday.
Dilka dadkan shacabka ahaa ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen maleeshiyaadka weerarka soo qaaday oo la sheegay in horay looga dilay nin iyo maleeshiyaad kale oo ku sugnaa deegaanka, halkaas oo uu ka dhex-qarxay iska hor imaadka sababay dhimashada.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in haatan xaaladda ay kacsan tahay, isla markaana ay baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay falkaasi.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda HirShabelle iyo maamulka degmada Warsheekh oo ku aadan dilalka ka dhacay halkaasi.
Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, waxaana dhaqan-geli waayay heshiisyo nabadeed oo la kala dhex dhigay beelaha ku dagaalamaya halkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sameysay isku dayo dhowr ah, waxayna ciidamo gaysay gobolka, si ay uga hortagaan dagaal beeleedyada, balse ma joogan, waxaana weli halkeedii ah xiisadaha colaadeed ee ka jira deegaannada maamulka HirShabelle.














