Shabaab oo sheegtay in ay Madaafiic ku weerareen AMISOM

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose Ururka Al-shabaab, gaar ahaan guutada jugta culus ayaa tiro madaafiic ah waxa ay ku garaaceen fariisimo Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Gobolkaasi.

Weerarkaan madaafiicda ah ayaa wararka waxa ay sheegayaan xalay saqdii dhexe in lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay ku leeyihiin degaanada NO. 60 iyo Golweyn ee ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaafiicda qaar ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Saldhiga ciidamada AMISOM, halkaasi oo suuragal ay tahay inuu ka dhashay khasaare.

Website-yada Shabaab war qoraal ah oo lagu soo qoray ayaa waxaa lagu sheegay in xoogag Shabaab ka tirsan ay Madaafiic ku garaaceen fariisimo Ciidanka AMISOM ay leeyihiin, khasaarana ay ku gaarsiiyeen.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen meelaha qaar ee weerarka uu ka dhacay in dagaal kooban uu ku dhexmaray Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab, kaaasi oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dhankooda rideen madaafiic culus oo jawaab ay uga dhigayeen kuwii lagu soo tuuray, kuwaasi oo ku dhacay degaano ka tirsan Gobolka.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay madaafiicdaasi lagu weeraray fariisimaha Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.