Shacab Miino kula Qaraxday Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax miino uu haleelay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah oo marayay degaano ku yaalla aagga degmada Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Labo ruux ayaa geeriyootay kadib markii gaari mini-bas ah/hoomeey ah ay Ku qaraxday Miino inta u dhaxeeysa magaalooyinka Qeycad iyo Bacaadweyne.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen labo ruux oo kaliyah, islamarkaana ay halkaasi ku geeriyoodeen.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku dagaallamayay Ururka Al-Shabaab iyo Ciidanka daraawiishta Galmudug.