Shacabka Dowlad Deegaanka Soomaalida oo Maanta doorasho u dareeray

Dadka Dowlad Deegaanka Soomaalida waddanka Itoobiya ayaa maanta u dareeray goobaha cod-bixinta si ay codkooda uga dhiibtaan doorashada guud ee waqtigeedii dib uga dhacday.

Magaalada Jigjiga ee caasimadda deegaankaasi & inta badan degmooyinka dowlad degaanka ayaa dadka ku nool waxa ay bilaabeen inay u soo baxaan doorashada si ay codkooga uga dhiibtaan doorashada wakiillada golaha deegaanka iyo xildhibaannada deegaankaasi ku matali doona baarlamaanka federaalka ee Itoobiya.

Waa doorashadii ugu horraysay ee deegaankaasi ka dhacda tan iyo markii uu isbadelka ka dhacay waddankaasi oo uu awoodda la wareegay ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Bishii June, malaayiin qof oo ku nool illa toddobo gobol oo Itoobiya ah ayaa codkooda ka dhiibtay doorashada Baarlamaanka, taas oo ahayd mid lagu muransanaa. Gobolka Tigray ayeysan ka dhicin codeyntaas, maadaama dagaallo ay saameeyeen.

Axsaabta mucaaradka ee ugu waaweyn Itoobiya ayaa diiday ka qeybgalka doorashadaas oo ay u arkayeen in “is dabamarin ay ka dhex jirto”.

Xisbiga Talada haya ayaa si aqlabiyad ah ugu guuleystay kuraasta baarlamaanka. Taas waxay Abiy Axmed siiyay fursad ah in shan sano oo kale uu dalkaas sii hoggaamiyo, waxaana la filayaa in xukuumad cusub oo soo dhiso 4-ta October.

Sidoo kale, doorashada hadda ka socota Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya waxaa qaadacay asxaabta qaar. Waxaa ka mid ah ONLF oo Khamiistii sheegtay in ay isaga hartay ka qeybgalka doorashada, waxayna eedeeyeen xisbiga talada haya.