SHAHAADO SHARAF LA GUDDOONSIIYEY HAWEENKA HAWLAHA GUUD EE MADAXTOOYADA

Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu abaal mariyey haweenka Soomaaliyeed ee ka howlgala fayadhawrka, bilicda iyo guud ahaan Waaxda Howlaha Guud ee Villa Soomaaliya.

Munsaabaddan oo qeyb ka ahayd Xuska Todobaadka Haweenka ee caalamiga ah ayaa lagu muujiyey doorka soo jireenka ah ee Haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin kala socodsiinta howlaha Xafiiska Madaxweynaha.

Agaasimaha Waaxda Howlaha Guud ee Madaxtooyada Farxaan Xasan Axmed oo kalmad ka jeediyey munaasabadda ayaa ka warbixiyey sida ay shaqaalaha Madaxtooyada, gaar ahaan haweenku ay uga qeyb qaateen Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisay Tiyaatarka iyo Madxafka Qaranka.

“Shaqaalaha Madaxtooyada ee haweenka ah waxa ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo dhabar adeyg. Waxa ay lafdhabar u yihiin dadaallada qurxinta Madaxtooyada iyo soocelinta muuqaalkii qurxoonaa ee ay lahayd. Sidoo kale waxa ay horseed u yihiin ka qeyb qaadashada Olalaha Isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.”

Sidoo kale, Agaasime Farxaan ayaa guddoonsiiyey shahaadooyin sharaf qaar ka mid ah howlwadeennada haweenka ah ee Madaxtooyada kaso shaqeynayey muddada dheer, iyadoo lagu muujinayo dadaalkooda iyo howlkarnimadooda.

*DHAMMAAD*