Agaasimaha wasaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleeska Koonfur Galbeed Mudane Mustaf Abdullahi Hassan ayaa maanta Xaruunta wasaraadda ka daah-furey tababar ku saabsan aqoon kororsi loo sameeyey shaqaalaha degmada Baydhabo.
Tababarka waxaa uu ku saabsanaa maareynta iyo maamulida kharashaadka dowlada tababarka Waxaa ka soo qeybgaley dhamaan shaqaalaha degmada iyo gudoomiyaha iyo kuxigeenaddisa,
Furitaanka Tababarkan ee Maanta Shaqaalaha Degmada loo furay waxaa sidoo kale Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Xasan Macalin Axmed Biikole.























