Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dhammaan shaqada dowlad Goboleedka iyo kuwa Hay’addaha gaar ah ay fasax yihiin.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda Shaqada ayaa waxaa lagu sheegay in shaqaalaha fasax yihiin maalinta Khamiista ee kasoo socota oo beegan maalintii uu dhashay Nabiga Muxamed NNKH.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sanad kasta markii la gaaro bisha Mowliid gaar ahaan 12-ka bisha fasaxda shaqaaladeeda, iyadoona la weyneynayo dhalashada Nabiga NNKH, sidoo kalena la qabto Munaasabado.















